Home Somali Hard Talk Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay wafdi ka socday UNSOM.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay wafdi ka socday UNSOM.

59
0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaasi ku qaabilay Wafdi ka socday UNSOM.

Wafdigaan ayaa waxaa hor kacayay Wakiilka UNSOM ee Magaalada Baydhabo, waxaana ay kullan xasaasi ah la qaateen Madaxweyne Laftagareen iyo qaar kamid ah wasiirada Maamulkasi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ah oloaha dib u heshiinta uu Maamulkaasi ka wado Baydhabo iyo kaalinta ay Qaramada Midoobay ka qaadan karto.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in Wafdigaasi ka socday Qaramada Midoobay ay aad ugu amaaneen waxa uu ku tilmaamay dadaalada derderta ku bilawday ee dib u heshiisiinta oo Baydhabo ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here